Sunday, May 21, 2017

Astaamaha Jeceelka Xun




Kuligeen ereeyga jacaayl wan maqalnay siyaabo kala duwan baan u aragnaa, ama ugu qeexna.

Jacaylka wuxu leeyahay dhadhamo kala duwan, xaalado fara badan, iyo astaamo kala duwan.
Waxa jira Jacayl macaan aduunyada dhaan ku qurxinaya, ka farxinaya. waxaad is weydinnaysa ma jacayl ba jira kanan xanajinayaa ? si xun ku dareensinaya ?

Haa wu jiraa walaashay ama walalkey, lakin aan ku sheego astaamo aad ku gareneysiid wixi jacayl xun ah ama jacal kugu habooneyn.

Jacaylka fiicaan ee caafiimaadka leh qodobahaan ba lagu ogaada:

1-Qofka aad jeclatoo aad rabtiid inaad guursato maha qof ku liidaya ama ku caaynaya. Qofka si dhab ah ku jecel waligiis kuma qooro waxa ama aray dhamqinaya dareenkaga o dhawacyaa isku kalsoonidada.

Marka hadaad ku jirto xariir u sifaadas leh, fadlan ka bax, daadka isma badalaan, xata markeey ka cudur dartaan o yaboohan inay is badali donaan, waxad arkii doonta iney ficilka mid ka daran inay sameyaan , wayoo? "Ruux muumin ah laba jeer lagama qaniino", waa xadiith saxiix ah.

2-Qofka ku jecel gacaan kuma qadayo: taan wa wadiix lakin waan si fahfahinayaa.

Qofna gacantiisa maha inu ku saro, niinkaga ama xajiigaga inu ku "adabiyo" maha, qof walbo naftiisa isaga aya masuul ka yahay, qofki gacan ku sara wu kugu xad gudubay. ka carar! Reerkaga u sheeg. Qoof aad ku kalsoon tahay u sheeg. ha u amuusin. ha ka amuusin. ha qarsan. Doqon ma tihiid xoog laa'.

Marmar waxed ka fikiri doonta khasatan hadad reerkaga ku qasabtay inay aqbalaan ninka inaay tahaay inaad u dulqaadatid, ey calaftaadu sida tahay. waad iska aqbalaysaa qalaadka adigu xoog la'aan ah, waxaad isku dhihi kartaa "waa ninkeyga illahaay ba masu'ul ikaga dhigay" lakin fikriigaas waa qalaad. Illaahy qiwamadaa nimanka wu siyeey lakin dulmii ilahaay ma ogolaa, isagaa caadil ah, diil iyo clay iyo liidis waa dulmii, furitaankana markaso kale wa xaal illahaay ku baneyey ka fa'edeyso.

Wey adag tahay markad dhaqankaas u barato inaad ficli ka qabtoo, lakin duceysoo, ilahaay bari, qof u sheeg, illahaay faraj bu ku furayaa, xoogna wu kisiinaya sidaad uga hoortagtiid arinkaas fool xun ka badan. Illaahay ha ku garagaro walaashay ama walalkay!

3-Qofka ku jecel niyad jab kugu ma ridayoo:

Qofka ku jackal si dhab ah hormarkagu jecelyahay. wu ku dhiroo galinayaa, niyad wu ku dhisaaya, hadaad jecelshahy inaad daqtarad noqotiid wuxu ku dhiro galinayaa inaad iskuulka isku qortiid, wuxu isku dayoo inu jamacadda ka bixiyoo, ama ilmaha ka hayo intaad wax baraneysiid, taas hadu karin qof ku cawisaa bu ka qabanya. mar walbo wuxu isku dayaya inu si uun ku cawiyoo kalimaad wanagsan iyo dhiroo galin ha u yaraate

Qofka ka maseerya o horumar kula jecleen wuxu isku dayaya mar walbo inu niyaad jab kugu rido, hankaga hoos u dhig bu ku dhahayaa (ama kugu dhaheysaa), mar walba excuse bu haystaa sidu kugu diido waxyabaha aad rabtiid.

Mar walba doroo qof kor ku qadaa, u haankaga kudu dhiro galiyaa.


4-Qofka ku jecel kuma cambaaraynayo:  qof qaladkaga daba galaya maha, o qaladkaga u fadhiyoo.

Kuligeen dhaman wan heysana sifoyiin qurux badan , iyo sifoyiin fool xun ah. waa bini adanimoo, waa daadnimada, kuligeen qalad wu naga dhacaa, lakin qofki xikmad leh qaladkiisa wax bu ka bartaa (llaahayna wu u toobad keena) lakin qofki xuman kula raba qaladkaga uun bu eega, u radsadaa, qofki ku jecel qaladkaga si wanagsan o cambaaren ku jirin bu ku sheega, laking qofka jahiilka wu kugu cayaa, wu kugu tuntaa, wayoo? marku qaladdada u kugu cayoo naftiisa gun dhaw bu koor u qadaaya.

Qof kaso kale naftiisa ma jecela, adigana kuma jeclaan karo. Qofkaas ka digtonoo o ka taxaddar!

5-Qof ku jecel reerkaga iyo asxabtadada bu wanaajiyaa:

Somalida waxy ku mahmahda "Qofki ku jecel eeygaga bu jecelada". Qalad ha ii fahmiin; reerkaga iyo asxabtada kuma shabhiin eey. lakin mahmahda waxa laga wadaa ilaa xad dhafkaas bu qofki dhab ku jecel waxad adiga jecelshahy wanjiyaa. waa astaanta jaceelka runta ah.

hodo saan wanaag u mujiin, hadaba kuma jeclaa. HAA, kuma jeclaa! Waxa ha nixin waad dareemi karta.


Mahadsanidin. :)

By: Asia Aboosy





No comments:

Post a Comment